Warar xasaasi ah oo ay Somdaily ka heshay ilo rasmi ah ayaa xaqiijinaya in degmada Doolow ee Gobolka Gedo lagu xiray gacanyarihii qaaska ahaa ee Jeneraal Shub, kaas oo looga shakisan yahay inuu bixiyay xogta hagayay diyaaradii gantaalka ku dhufatay guriga taliyaha habeenimadii 3-da September.
Ninkan oo ilo-wareedyo amni ay magaciisa noogu sheegeen ๐๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐๐ฒ, ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu dhaw-dhaw taliyaha, waxaana la sheegay in maalinta weerarka ka hor uu maalmo ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Xogta aan helnay ayaa tibaaxaysa in Macalimeey uusan guriga ku jirin xilliga duqeynta ay dhacaysay, balse uu isbitaalka ugu tagay taliyaha oo lagu daaweynayay dhaawac ka soo gaaray firirka gantaalka.
Ilo amni oo la hadlay Somdaily ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ay hadda gacanta ku hayaan ninkan, waxaana socda baaritaan lagu hayo taleefannadiisa iyo xog kale.
Waxaa aadna loogu daray baaritaanka in ninka laga shakisan yahay uu ๐ฃ๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ญ๐๐ฅ๐๐๐จ๐จ๐ง๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ฅ๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐ ๐๐๐๐ซ๐จ, taas oo sii xoojisay tuhunka laga qabo.
Baaritaanka oo hadda gaba-gabo ku dhow ayaa la aaminsan yahay in gacanyaraha uu waayadii dambe si hoose ula shaqeynayay Guddoomiye Cabdiqaadir (Jaamac) iyo kooxdiisa, isla markaana lagu tashkiiliyay fulinta howshaas.
Sidoo kale, waxaa loo badinayaa inuu qeyb ka ahaa shirqoolo kale oo Baydhabo ka dhacay xilli dagaalku socday, iyadoo lagu tuhmayo inuu isagu dhameystiray Taliye Ku-xigeenkii dagaalka Baydhabo ku dhintay oo la yaqaanay ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ง.
Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Taliye Shub laftiisa uu horay uga shakiyay ficillo aan caadi ahayn oo uu ku arkay gacanyarihiisa maalmihii ka horreeyay weerarka, taas oo hadda noqotay mid xoojineysa tuhunka baarayaasha.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiye Cabdiqaadir iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan eedeymahan.
Somdaily waxay la socotaa baaritaanka socda, wixii soo kordha waan idinla wadaagi doonaa.


































