Warar xasaasi ah oo ay Somdaily ka heshay ilo rasmi ah ayaa xaqiijinaya in degmada Doolow ee Gobolka Gedo lagu xiray gacanyarihii qaaska ahaa ee Jeneraal Shub, kaas oo looga shakisan yahay inuu bixiyay xogta hagayay diyaaradii gantaalka ku dhufatay guriga taliyaha habeenimadii 3-da September.
Ninkan oo ilo-wareedyo amni ay magaciisa noogu sheegeen 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐦𝐞𝐞𝐲, ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu dhaw-dhaw taliyaha, waxaana la sheegay in maalinta weerarka ka hor uu maalmo ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Xogta aan helnay ayaa tibaaxaysa in Macalimeey uusan guriga ku jirin xilliga duqeynta ay dhacaysay, balse uu isbitaalka ugu tagay taliyaha oo lagu daaweynayay dhaawac ka soo gaaray firirka gantaalka.
Ilo amni oo la hadlay Somdaily ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ay hadda gacanta ku hayaan ninkan, waxaana socda baaritaan lagu hayo taleefannadiisa iyo xog kale.
Waxaa aadna loogu daray baaritaanka in ninka laga shakisan yahay uu 𝐣𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐭𝐞𝐥𝐞𝐟𝐨𝐨𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐦𝐜𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐨, taas oo sii xoojisay tuhunka laga qabo.
Baaritaanka oo hadda gaba-gabo ku dhow ayaa la aaminsan yahay in gacanyaraha uu waayadii dambe si hoose ula shaqeynayay Guddoomiye Cabdiqaadir (Jaamac) iyo kooxdiisa, isla markaana lagu tashkiiliyay fulinta howshaas.
Sidoo kale, waxaa loo badinayaa inuu qeyb ka ahaa shirqoolo kale oo Baydhabo ka dhacay xilli dagaalku socday, iyadoo lagu tuhmayo inuu isagu dhameystiray Taliye Ku-xigeenkii dagaalka Baydhabo ku dhintay oo la yaqaanay 𝐁𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧.
Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Taliye Shub laftiisa uu horay uga shakiyay ficillo aan caadi ahayn oo uu ku arkay gacanyarihiisa maalmihii ka horreeyay weerarka, taas oo hadda noqotay mid xoojineysa tuhunka baarayaasha.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiye Cabdiqaadir iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan eedeymahan.
Somdaily waxay la socotaa baaritaanka socda, wixii soo kordha waan idinla wadaagi doonaa.